Skip to main content

Ducada marka laga soo Kaco Hurdada

 الحَمْـدُ لِلّهِ الّذي أَحْـيانا بَعْـدَ ما أَماتَـنا وَإليه النُّـشور

Al-xamdu lillaahi alladii axyaanaa bacda maa amaatanaa, wa ilayhinnushuur

Mahad waxaa iska leh allihii na nooleeyay intuu na oofsaday kadib, xaggiisuuna ahaaday soo bixitaanku(maalinta qiyaamaha)

لا إلهَ إلاّ اللّهُ وَحْـدَهُ لا شَـريكَ له، لهُ المُلـكُ ولهُ الحَمـد، وهوَ على كلّ شيءٍ قدير، سُـبْحانَ اللهِ، والحمْـدُ لله ، ولا إلهَ إلاّ اللهُ واللهُ أكبَر، وَلا حَولَ وَلا قوّة إلاّ باللّهِ العليّ العظيم , رَبِّ اغْفرْ لي

Laa ilaaha illallaahu waxdahu, laa shariika lahu, lahul mulku wa lahulxamdu wa huwa calaa kulli shey-in qadiir,subxaanallaah, wal-xamdu lillaah, wa laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar, walaa xawla walaa quwwata illaa billaahi al-caliyyi al-cadiim rabbi iqfirlii


Ilaah xaq lagu caabudo majiro ilaahay mooyee, kaligii cid wax la wadaagtana ma jirto, wuxuu leeyahay boqornimo, wuxuuna leeyahay mahad, wax kastana wuu awoodaa, illaahaybaa ka huffan xumaan,mahadna leh, ahna ilaaha xaq lagu caabudo, allaana weyn, xeelad iyo awoodna waxay u sugnaadeen allihii sareeyay ee weynaa , rabiyow ii dambi dhaaf

الحمدُ للهِ الذي عافاني في جَسَدي وَرَدّ عَليّ روحي وَأَذِنَ لي بِذِكْرِه

Al-xamdu lillaahi, alladii caafaanii fii jasadii, wa radda calayya ruuxii, wa adina lii bidikrihi

Mahad ilaahaybaa leh, allihii ii caafimaadiyey jidhkayga, iina soo celiyey ruuxdayda, iina ogalaaday xusiddiisa

إِنَّ فِي خَلْقِ السَّمَوَاتِ وَالأَرْضِ وَاخْتِلاَفِ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ لآيَاتٍ لأُوْلِي الألْبَابِ {190} إلي أخرالسورة وهي آل عمران

Inna fi khalqi samawati wa-l-ardi wa khtilafi l-layli wa n-nahari la-ayatin li-uli-l-albab

Ayaada 190 ee surada 'Aala cimraan' ilaa dhamaadka suurada






Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Ducada Galida Suuliga / mushqusha

 بِسْمِ الله) اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوْذُ بِكَ مِنَ الْخُبُثِ وَالْخَبَائِثِ) Bismillaah allaahumma innii acuudu bika minal khubthi wal-khabaaith Magaca ilaahay,ayaan ku galayaa, allow waxaan kaa magan galayaa shaydaanka kiisa lab iyo kiisa dhadigba